Aduunyadan gabtoodkaa markaan garasho raadceeyey # Waa geed hadhkii oo malihin guul lahaybsadoye #Waa guri afkaa lagagaloo guudka loobaxaye # Waxa guule uumoo dhanbaa geeri loo qoraye # Halkay gogoshu taalina waa goobtii aakhira e # Ku diyaarad guudkaa marshiyo gaajo nimay hayso # Nina libin magaadhee godbaa lagu xabaalaaye # Gaadhaa lawada saaranyahay gu, iyo jiilaale # Hadii ay gabaad leedihiyo raaxo lagu guuro # Rasuulkii gayigan loocalmaday kamagayoodene ( csw) # Inagaa garaadxune bulshooy geedibaanahaye # Naxariista guud eebeheen dunida gaadhsiiye # Tagaarka ana kuujecelyuhuu ugu gargaaraaye # Allihii gayigan uumaybaa hadal kusoo gooyay # Haday garab kaniico ilatahay dunida guudkeedu # Geeb kama dhadhamiyeen aniga gaal icaasiyaye # Xabad garawa way kalayartahay gabi ahaanteede # Cirka guudka nagasaaranee cidiba gaadhaynin # Iyo dhulka sida gogosha loo baaciyee lagu dul geeraaro # Cid gargaara uma yeedhanine guushu waa adiye # Guuloow nagaransii wadada khayrk...