Aduunyadan gabtoodkaa markaan garasho raadceeyey # Waa geed hadhkii oo malihin guul lahaybsadoye #Waa guri afkaa lagagaloo guudka loobaxaye # Waxa guule uumoo dhanbaa geeri loo qoraye # Halkay gogoshu taalina waa goobtii aakhira e # Ku diyaarad guudkaa marshiyo gaajo nimay hayso # Nina libin magaadhee godbaa lagu xabaalaaye # Gaadhaa lawada saaranyahay gu, iyo jiilaale # Hadii ay gabaad leedihiyo raaxo lagu guuro # Rasuulkii gayigan loocalmaday kamagayoodene ( csw) # Inagaa garaadxune bulshooy geedibaanahaye # Naxariista guud eebeheen dunida gaadhsiiye # Tagaarka ana kuujecelyuhuu ugu gargaaraaye # Allihii gayigan uumaybaa hadal kusoo gooyay # Haday garab kaniico ilatahay dunida guudkeedu # Geeb kama dhadhamiyeen aniga gaal icaasiyaye # Xabad garawa way kalayartahay gabi ahaanteede # Cirka guudka nagasaaranee cidiba gaadhaynin # Iyo dhulka sida gogosha loo baaciyee lagu dul geeraaro # Cid gargaara uma yeedhanine guushu waa adiye # Guuloow nagaransii wadada khayrk...
Abwaankan waa abwaan da yar magaciisu waa Abdirahmaan Ciise Awrooble waa arday dhigta dugsiga sare ee Boon class form four wuxuu ka midyahay ardayda ugu cad cad ma ugu aqoon saraysa dugsiga Boon intaas wax u dheer waa Abwaan mucjiso ah si dhib yarna u gabaya insha Allah abwaankan wuxuu noqon doonaa abwaan looga dabeeyo masooyinka somaliyed